Maxaad ka taqaan dalka aduunka ugu isticmaalka badan Taleefanka gacanta ee MOBILE-ka

Dadka ku nool dalka Saudi Arabia ayaa noqday kuwa ugu badan ee adeegsada telfoonka gacan qaadka ee loo yaqaano Mobile-ka marka loo eego dalalka kale ee aduunyada.

Daraasad ay sameysay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan ganacsiga iyo horumarinta ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNCTAD ayaa lagu sheegay in dadka reer Sacuudi ay kaalinta koowaad ka galeen dalalka la isku yiraahdo Khaliijka.

Tirada dadka Sucuudiga ee isticmaala taleefanka mobilka ayey sheegtay hay’ada In sadax laab ay korodhay intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2010-ka taasi oo muujineysa in dadka ku nool dunida koowaad ee horumaray ama hodonka ah ay kaga wanaagsanyihiin dhanka adeegsiga.

Daraasadan ay soo diyaarisay hay’ada UNCTAD oo ka koobneyd 146 bog waxaa kaloo Lagu sheegay in dadka Sacuudiga aysan u jecleyn INTERNETKA sida ay u Jecelyihiin taleefanka gacanta.

Laakin hadii ay ku hormarsanyihiin adeega telfoonka gacanta, Sacuudiga waxay ku liitaan dhanka adeegsiga Internetka, waxaana ay kaga jiraan kaalinta shanaad dalalka Khaliijka, waxaa kaga horeeya Imaaraadka Carabta, Qatar, Cumaan iyo Bahrain.

By: Siciid Xagaa Afrax.
Sxagaa@hotmail.com
00252615-571840

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.