Maxaabiis horleh oo cudurka shubnaka ugu geeriyooday Xabsiga dhexe

Maxaabiis hor leh, ayaa saacadihii ugu danbeeyay Cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday Xabsiga dhexe, ee magaalada Muqdisho.

Cudurka shuban biyoodka, ayaa bishaan bilaawgeedi March ka dilaacay magaalada Muqdisho, iyo qaybo badan oo kamid ah gobolada dalka, haba ugu darnaadee gobolka Hiiraan, waxaana maalmihii lasoo dhaafay soo badanayay dadka uu soo ridanayo.

Xabsiga Dhexe, ee magaalada Muqdisho, oo ay ku xiranyihiin maxaabiis boqolaal gaareysa, islamarkaasna uusan kajirin adeeg Caafimaad, ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee cudurkan soo ritay dad farabadan, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Xabsiga gudihiisa ku geeriyooday hal ruux, halka tiro 5 kabadana ay cudurkan lajiifaan.

Gaashaanle Sare Maxamed Xuseen Axmed, oo ah taliyaha Xabsiga dhexe ee dalka, oo warbaahinta muqdisho lahadlayay ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay xabsiga gudihiisa ay ku geeriyoodeen 3 maxbuus, oo uu soo ritay shuban biyoodka, tiro kalana ay la ildaranyihiin.

Malmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo badanayay dadka uu soo ridanayay cudurka shuban biyoodka, inkastoo xabsiga dhexe lagaarsiiyay daawooyin kala duwan, waxaase dhaqaatiirta isbitlaada magaalada Muqdisho ay soo sheegayaan, in cudurkaan uu ka dhashay nadaafo daro kajirta qaybo kamid ah magaalada, gaar ahaan xaruumaha ay daganyihiin dadka barakacayaasha ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here