Maxaa Xiga 08 January 2014? (Faallo)

safe_image.phpHaddii aad Imtixaan galayso waxay ka mid tahay meelaha ugu walwalka badan, markii aad badeeco suuqa soo galinaysana culayskeedu ma yara, waxaase intaasba ka walwal badan marka masiirka dadka iyo dalkuba is badalayo.
Wali lama soo dhisin 66 ka xildhibaan ee dooranaya madaxwaynaha shanta sano ee soo socota, waxaase magaalo kastaa la hadal hayaa dadka la qiyaasayo inay helayaan saxiixa isimada, qaarkoodna waxaadba is leedahay armaa loo saxiixay, waxayna hor tagayaan guddi kala saari doona dadka saxiixyada wata, soona xuli doona cidda ku biiri doonta xildhibaanada baarlamaanka ee soosocda.
Caadiyan guddigaasi waxay kaliya oo kala hubinayaan waa un saxiixyada ay dadku wataan iyo inay yihin dadkii saxda ahaa ee isimadu soo siiyeen ogolaanshaha, balse awood uma ay lahan inay cid reebaan ama ay cid ku daraan iyagu, maxaa yeelay waxa meesha yaallaa waa awood qaybsigii beelaha.
Kollay waxaa hubaal ah in markii la soo xulay xildhibaannada hadda la kala diray shan sano ka hor in la lahaa waa aqoon yahanno, waa dad wax badan badalaya laakin waxay shaqadoodii gabaagsi gashay wixii ka danbeeyay 11 November 2009, haddana waxay isla aamustay markii 21 December 2009 markii la qarxiyay guddoomiyaha baarlamaanka, wixii intaas ka danbeeyay waxay u ekaayeen inay kaliya anisixin jireen wixii sharci ee loo keeno oo ay xittaa ogolaadeen in degmooyinka qaar aysan doorasho ka dhicin xilligii la waday olalaha xisbiyada, oo ay si cad uga hadli waayeen wakhtiga dawladdu ma shan sanaa mise waa afar sano.
Intaas Arar u daa, Maxaa Puntland hadda ka jira?

Waxaa suurto gal ah in dad badan oo mar kasta ka hadla Puntland iyo musharixiintu aysan wax aad ubadan kala socon xaalka hoose ee ka jirta, laakin haddii aan xog ogaalnimadayda hadlo:-

* Canshuurta dawladdu waxay ku qaadda Dollar, oo way badbaadsatay dakhligeedii, laakiin sarrifka dollarku wuxuu tagaa markuu ugu sareeyo laba malyan iyo shan boqool, maceeshadduna waxuu qiimaheedu taagan yahay meeshii uu taagnaa markii uu sarrifku ahaa saddex malyan iyo shan boqol oo laba sano ka hor ahayd.

*Waxaa jira dad baban oo gaajo darteen guryaha ku jira oo soo bixi waayay, markay helaan quuta, markay waayanna dhexda xirta, qaarkood waxaa laga yaabaa in dibadda looga soo diro $150 ( Boqol iyo Konton Dollar) oo ay laba sano ka hor ku filnayd maantana aysan xittaa caruurta dugsiga ka bixin karin.

*Magaalooyinka qaar dadku waxay aad ugu dhaqmaan sharciga jeesjeesadka, waxay gacmaha ku qaataan Baaskolado, mararka qaar waxaaba dhacda inay laba qof oo labaduba baqaya ay isku khaldamaan.

*Mid ka mid ah mashaa`ikhda waawayn oo waliba magalada laga qaddariyo ayaa isaga oo ila fadhiya waxaa la gaaray salaadii jimcaha, Shiikhii baan ku iri, masaajidka ma aadnaa? Maya maya adeer masaajid goormaa noogu danbaysay, duhur baan iska tukanayaan, Waxay taasi ku tusaysaa sida uu walwalku noqday.

*Magaalooyinka Puntland oo dhan ma jirto magaalo ay ka dagi karaan diyaaradaha waawayn ee haatan aduunka laga isticmaalo, marka laga tago diyaaradihii ANTA-NOV ka la oran jiray oo hadda meelo badan laga mamnuucay, tusaale ahaan ma jiro duulimaad Puntland iyo Somaliland ah, sababto ah diyaaradaha Berbera iyo Hargaysa ka dagaa kama dagi karaan garoomada Puntland, laakin diyaarado yaryar ah oo ka soo duula Xamar ayaa ka daga Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaasaba.

Intaas waxaa dheer ganacsatada Zambia, Tanzania, Kenya iyo Angola u raratay ganasigoodii.

Maxaa xiga 08 January 2014?

Xukuumadda hadda uu madaxda ka yahay madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole waxa ay wax ka qabatay xiriirka arrimaha dibadda, laakiin waxaa dhaliil badani ka haysataa arrimaha gudaha oo magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkayo amman darro ay ganacsato badani uga carartay, dad badan lagu dilay, xitta Xabsigii boosaaso ee ugu waynaa la soo weeraray, xabsiyada Gaalkacyana warkeeda daa waxayba iyadu gaartay inaan 5ta galabnimo wixii ka danbeeya la socon, oo aan guryaha laga bixin.
Waa suurto gal hadii ay dib u soo noqoto inay wax badan oo ay wakhti u wayday qabato, waxaase shaki wayn I galiyay hadalka xukuumadda ee marka kasta ay tiraahdo wax badan ayan qabanay, ammanka dalku waa fiican yahay, guda iyo dibadba waan ka dhisnay Puntland, oo toloow haddii ay sidaas dawladdu aaminsan tahay, saw ugu yaraan sidaan xaalku sii ahaan mayo.
Waxaase ka walwal badan haddii ay musharixiinta qaar, waliba kuwa ugu cadcad qabtaan aniga iyo dad ila mid ahi aan ka wal walsannahay armaa dalku u gacan galaa urur diimeen, deetana uu samaysmaa xisbi gacan saar la leh oo ugu yaraan wax yara ka sokeeya shabaab, oo armay billaabataa khaarajin, maadaama kooxihii diinta ay barteen sida dadka loo khaarajiyo.
Siyaasiyiin kale ayaa jira oo laga yaabo inay kurisiga u doonanayaan inay dhaqaale samaystaan, oo ay aaminsan yihin dalku dakhli badan buu leeyahay, dakadda Boosaso, Garoonka Gaalkacyo, Canshuurta shacabka ay ganacsatadu ku jiraan laga qaado, laga yaabaa inay ku fakarayaan intaas qayb ka mid ah wax ku qabo, balse waxaase aad ii cabsi galiyay booqashooyinka jaaliyadaha loogu tagayo ee dhaqaalaha looga aruursanayo, kollay waxaa jiraya dad un dhaqaale haysta oo siyaasiyiintaas kula heshinaya inay wax un uga soo celiyaan haddii ay soo baxaan.
Iyadoo intaas taagan yihiin ayaa waxaa haddana waxaa hubaal ah in ummadani ay u ekaatay nin bukaa boqol u talisay, ma ay laha wax cod ah, wax ma diidi karaan waxna ma yeeli karaan, ku darsoo waxaa masiirka u haya 66 qof oo laftood ay ku jiri karaan dad dantooda eeganaya oo aanay waxan oo dhami u muqan.
Yaan rajada xumayn, rabbi waxaan waydiisanaynaa ilaahay inuu Hooyada umul raacda, caruurta dariiqyada yaalla, waalidka iyagoo aan hakran waayay waxay caruurtooda ku quudiyaan, caruurta agoontoowday oo aan wali waxba laga qaban dartood ayuu ilaahay noogu doorayaa mid intaasba wax ka qabta cidduu doono ha noqdee.
Doorashadu xag rabbi bay ka timaaddaa, isagaana inoo garanaya cidda waxaas oo dhan wax ka qaban karta, laakin qof kasta oo yimaadaa wuxuu u baahan yahay baarlamaan xor ah oo la xisaabtami kara.
“Anuu cidna uma xagliyo
xukuumadda lama safani
xisbina waligay ma galin
xergaarana uma shaqayn
waxaan ahay wariye xora…..”
Waxaa ay Tulucdani ka mid tahay maanso uu tiri Sidiiq Maxamed Burmad.
W/Q: Mahad Jama Koronto
abbas688@hotmail.com 

Facebook: mahadjama.koronto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here