Maxaa sababay inuu hoos u dhac ku yimaado ololihii Shiikh Shariif?

sheikh shariifShiikh Shariif Shiikh Axmed, oo mud 4 sano ah kadib dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho islamarkaasna ku dhawaaqay inuu markale u taaganyahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa isbuucyadii lasoo dhaafay si aad ah u yaraaday dhaqdhaqaaqiisa iyo Ololihiisa.

Ilo ku dhow dhow  Shiikha, ayaa xaqiijiyay in dhaqaalo yari ay soo wajahday taasoo keentay inuu si aad ah u yaraado dhaqdhaqaaqiisa, waxaana xaruunta uu ka deganyahay magaalada Muqdisho laga dareemay cidlo iyo ineey kusii yaraanayaan dadkii soo buux dhaafiyay markuu magaalada kusoo laabtay.

Shiikh Shariif oo hada safar uga maqan magaalada Muqdisho, ayaa hadana waxaa gaabis aad ah laga dareemayaa ololihiisa doorashada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here