Maxaa sababay in Xildhibaan Bad-baado uu is qarxiyo?

saalaxSida uu sheegtay ururka Al-Shabaab, Saalax Nuux Ismaaciil oo loo yaqaanay Saalax Badbaado, oo horey uga tirsanaa xubnihii Baarlamanka ee dowladdii ku meel gaarka aheyd ayaa ka mid ahaa labaddii qof ee fuliyay labadii weerar ee ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weeraradaasi oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 13 qof.

Inkastoo aysan dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga hadlin arrintan ayaa waxaa arrintan ay aad uga fajicisay dad badan, waxaana la isweydiinayaa, waxa xildhibaan hore oo haddana da’adiisu ay ka badneyd 50 sano ku kalifi kara in weerar noocaasi ah uu fuliyo.

Halkaan ka dhagayso warbixin ku saabsan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here