Maxaa Loo dilay Wariye C/salaan Xiis

Waxaa magalada Muqdisho lagu dilay 18 December 2011 Wariye C/salaan Sheekh Xasan (Xiis) Allaha ha u naxariistee , maalmo kadib waxaa la qabtay nin looga shakisan yahay in uu ku lug lahaa dilkii Wariye C/saan Xiis,  shaqsiga loo soo qabta ayaa waxaa lagu sheegay  magaciis Fanax , Fanax ayaa ah sida la sheegay  in uu yahay  taliyaha ilaalda Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  Tarzan.

Fanax ayaa ku shaqeeya amarka Tarzan oo kaliya, su’aasha taagan waxay tahay maxaa keenay in Fanax looga shakisan yahay in uu ka danbeeyay dilkii wariye C/saan Xiis, dadka qaar ayaa isla dhexmaraya in arintaas uu ka danbeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  Tarzan.

Dadka arinta indhaha ku haayay ayaa waxay leeyahiin Marxuumka iyo Tarzan xiriirkooda in mudo ahba ma wanaagsaneen oo waxuu gaaray in wariyaha kamerooyinkiisa uu iska laabto markii uu Tarzan goobta yimaado waxaa kale oo la sheegayaa in mar walba marxuubka la handadi jiray, dadka qaar waxay leeyihiin waxaa laga yaabaa in marxuubka uu ogaa arimo musuqmaasuq ah oo la xiriira Gudoomiya Gobolka Banadir Tarzan iyo wax yaalo la mid ah,.

Waararka qaar ayaa sheegaya in Gudoomiyah G Bandir uu lunsaday hanti badanintuu xilka hayay,  iyo arimo kale oo badan, si kastaba xaalka ha ahaadee sidee hadda wax u dhaceen?

Dad xog ogaal ah waxay sheegayaan inti uusan marxuumka dhiman ka hor waxaa telefoon usoo diray taliyaha ciidamada ilaalada Tarzan kuna yiri haddii aadan ka bixin waxa aad wado waa ku dilaynaa, kadib waxaa dhacay wariyaha oo jidka iska maraaya ayaa waxuu ku sigtay in uu ku dhinto shil baabuur, baarbuurka waxaa ku horgooyay Fanax oo taliyaha ciidamada ilaalada Tarzan ah, markii uu arkay ninka baabuurka ku horgooyay ayaa waxa haddana markale Fanax ku celiyay in uu dilaayo haddii uusan ka bixin waxa uu ku jiro.

Marxuumka ayaa markaan arkay in Fanax iyo madaxdiisa  ay diyaar u yihiin inay qaarajiyaan, marxuumka markuu gurigiisa tagay ayaa haddana taleefoon Fanax usoo diray kuna celiyay in uu dilaayo, wariyaha oo markii hore warqad qorey una sheegay xaaskiisa haddii la dilo cidda ka danbeysa dilkiisa ayaa haddana telefoon loo soodiray dil ugu hanjabaayo isagoo xaaskiisa la joogo sida la leeyahay, marka waxaa kaloo ila wareedyo ay sheegayaan in la duubay hadalkaan telefoonka lagu sheegay.

Maalinta marxuum xiis la dilaayo, Fanax ayaa baabuurkiis kusoo qaaday laba ka mid ah ilaalada gudoomiye  oo uu taliye u yahay kuna dejiyay meel u dhow goobta wariye marxuum C/raxmaan Shiiq Xassan (Xiis) lagu dilay 18 disember 2011, ka dib markii lasoo qabtay la ogaaday cida ka danbeeysay dilka ayaa laysku dayay in lasoo xiro Fanax oo diiday ilaa loogu hanjo in Amisom ayay burburinayso meeshuu kujiro ama uu isoo dhiibo ciidama halkaas lagu xiray Fanax xarunta CID.

Fanax ayaa markii la geeyaya CID sheegay in uu u hanjabay Wariyaha inkastoo aan laa ogeyn sabaabta uu ugu hanjabay iyo wixii kaloo ku kalifay..

Gudoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowlada KMG G. Sare Muungaab ayaa balan qaaday in ay cadaalada hor keeni doonaan gacan ku dhiiglihi dilay wariye C/salaan Sheekh Xasan Xiis, laakin laa hada wax war lagama haayo meeshii wax ku danbeeyeen sideoo kale waxaa ka hadlay Taliyaha Hogaanka CID G. Sare Xasan Bariis oo sheegay in ay cadaalada soo tagai doona, waxaan is weydiin leh qofkii loo xiray xagee geeyee, maxaase kasoo baxay intii Fanax uu ku xirnaa Hogaanka CID, ummada soomaliyeed iyo waalidiinta iyo dhamaan bulshada Soomaliyeed ee caalamka ku nool waxey sugeysaa in cadaalada la horkeeno cidii ka danbeeysay iyo cidii ku lug laheydba.

 

Waxaa dhawaanahaanba socday dagaal qaraar oo u dhaxeeya gudoomiyaha ahna duqa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid wariyayaasha ka howl galo gobolka banaadir, gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamed Nur Tarzan ayaa ah nin aaminsan in warbaahinta loo adeegsado marin habaabinta xaqiiqda jirta si uu u gaaro hadafkiisa siyaasadeed ee gaar ah, goordhaw ayay ahayd markii uu masuul ka ahaa dad naftoda ku waayay mudaaharaadyo uu isaga ka danbeeya, goor sii horeysay ayay ahayd markii qalalaaso uu isaga ka danbeeya loo xiray duqii hore ee magaalada muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb maxamed dheere.  arinta si kastaba ha ahaatee Tarzan ayaa dhawaanahaan kalsooni aad u sareysa ka helay Madaxweynaha kumeel gaarka Shariif Sh/Axmed.

Abqaasim Cadow dareerto@gmail.com

Qoraaga waa u madax banaan yahay fikirkiisa, sameyn kuma laha bogga.

Wixii fikrad ah waa ka dhiiban kartaa

6 COMMENTS

  1. asc kuli musliminta. Haduu shariifka. Ku taagerayo gacan ku dhiglayalka inay shacabka laayaan. Walaahi wad arkeysan jawabta ay ka bixiyan. Walaalaha musliminta. Shariif waxad ogaataa . Dhalanyaradii somaliyed. Wadanka wey u soo labanayan. Qorigana way garanayan sida logu dagalamo. Gaalka adoo kalaana loga oysiyo. Insha allah

  2. Asc dhammaan sln kadib sxb abqaasim cadow waan kula qabaa hadalkaas, saxaafadduna waxa kaliya ee lagu dilayo ama loogu hanjabayo wariyeyaasha ay tahay maxaa runta u sheegeysaa, tan kale waxaan ka xumahay asxaabta hadalka u bedashay qabiil war tarsan qabiilkiisa iyo jagadiisaba laga hadlimaayo ee waxaa laga hadlayaa dilka marxuum wariye C/salaam Shiikh Xassan{XIIS} Website-kan Midnimo.com-na wuu igula saxan yahay soo bandhigidda Arrintan, sidoo Kale Sxbada webkanna waligiin u hiiliya bahda saxaafada ee gar-darada lagu dilayo ayaa ku soo afmeerayaa hadalkeyga. MACSALAAMA

  3. waxaan arkaa meeeshaan in abgaal oo ka xun tarzan oo loo dhiibey xilkii gudoomiyaha gobalka ineey ku sheekeeysanooyaan lee war laan dheere waa shamaadey ee dowlada aad madaxweeynaha ka tihiin taageera oo maseerkaan maxamed dheere meel iska dhiga

  4. Hadi ladono wixi larabo aya lasameyan waxan sas uleyahay waxa laga adagyahay qabaa,ilka aan xoga lahen malinkey wax dilan malinka kuxiga wa laqisaasa wa fal yahudeed NB mararka qar wa dhacado in ladilo nin landhero ah ogada marka arinkan cml udhacayo landhere aya dilay landhere kale qabilki laga dilay aya waxey leyihin hana loo qisaso arinku wa sas hadan uso noqdo tarsan shaqsi ahan ma ahan nin muslim ah waxana sas uleyahay khadija bintu khuweylid(rc) aya wuxu kutilmamay gabto somaliyed safar kubadeed usocday wa ja ifeen cirdiga nnnkh hala yabina in uu qarijiyay waliya c/salan xasan xis alah unaxariste

Comments are closed.