Maxaa loo dilay Wariye Axmed Cadow Canshuur?

Wariye Axmed Cadoow Canshuur oo duhurnimadi maanta lagu dilay magaalada Mudqisho ayaa noqday saxafigi sadexaad oo mudo4 bil gudahood laga dilo Idaacada Shabelle, sidoo kale wuxuu noqday saxafigi shanaad oo Soomaaliya lagu qaarijiyo sanadkaan 2012.

Saxafiga oo ahaa soo saare ka tirsan Radio Shabelle, ayaa waxaa her cad maanta ku toogtay xaafada Suuq Boocle afar nin oo ku hubeesnaa bistoolado kuwaasi oo goobta ka baxsaday marki ay meydkiisa ka talaabsadeen.

Hadaba dad badana yaa su,aalooyin iska weydiinaya maxaa loo beegsaday saxafigaan, maxaase sadex wariye afar bil gudaheed loogaga dilay Radio Shabelle?

Inkastoo jawaabo sax ah ayaanan xiligaan laga bixin karin ayaa hadana waxaa jiro warar ay isla dhax marayaan siyaasiyiinta iyo dadka ku xeel dheer arrimaha saxaafada iyo ra,yul caamka.

Waa tan koowaade, waxaa jirta in la beegsanayey wariyaasha Soomaaliyeed sida ay u bilowdeen dagaalada ku saleysan xaga diinta iyo mabda,a sanadki 2006, iyadoo wariyaashay ay dilayaan dad lagu sheego kooxo aanan la aqoon.

Qodobka labaad ee farta lagu fiiqayo ayaa ah, siyaasada Radio Shabelle oo maalmahani noqotay mid marba dhan u jiheysan, oo waxa wararka ka baxa idaacdada iyo barnaamijyada ay yihiin kuwo si gaar ah loogu weeraro jiho gaar ah ha noqoto Al Shabaab ama laamaha dowlada.

Arinta kale ayaa ah in saxafiga la dilay oo waday barnaamij habeenki xiliga Soomaaliya soo galo 9:30: PM fiidnimo oo la yiraahdo (Qubanaha Wararka Shabelle) oo loogaga hadlo xaaladaha siyaasada dalka ee xiligan loo beegsaday siyaasadaha.

Marxuumka ayaa ahaa wariye da,yar oo mararka qaar marka aad dhageysato barnaamijkiisa aad la yaabeyso geesinimada uu muujinayo sida uu ugu dhiiran jiray warar xiligaan ay wariyaal badan ka gaban lahaayeen qatarnimadooda.

Hadaba dilkiisa ayaa waxaa ka xumaaday dhamaan bahda saxaafada Soomaaliya, qeybaha bulshada iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan lagu tilmaamaa halka ugu qatarsan ee uu saxafi ku shaqeyn karo, waxaa sanadki lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 10 wariye, haatan oo aanan wali la gaarin kala barka sanadkana waxaa la qaarijiyey 5 wariye.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.