Maxaa laga hayaa kulanka labadan koox ee Dortmund & Malaga

Kooxda Germalka Dortmund waxa ay lumisay horiyaalka Germalka Bundesliga oo ay ku guuleesatay kooxda Bayern Munich toddobaad ka hore,

Kooxda Bavarians ayaa isku diyaarineysa kulanka ay la lee dahay kooxda Juventus Arbacada berri lugta labaad ee horiyaalka kooxaha qaaradda Yurub.

Kooxdan oo ka dhisan galbeedka Germalka ayaa Sabtidii 4 iyo 2 waxaa kaga badiyay kooxda FC Augsburg horiyaalka Germalka

Ciyaartoyda u ciyaareysa kooxda Germalka waxaa la filayaa in ay u ciyaaraan: Weidenfeller; Piszczek, Subotic, Hummels, Schmelzer; Bender, Gundogan; Reus, Gotze, Grosskreutz; Lewandowski

Kooxda Spanish-ka waxa ay ciyaareysaa iyadoo uu ka maqan yahay xidigga reer Brazilian Welington iyo ciyaaryahanka qadka dhexe Manuel Iturra,maadama hal kulan la ganaaxay.laakin ciyaartoy da’yer ayaa diyaar u ah kooxda Malaga kuwaasoo la rajenaayo in ay ka qaybgalaan kulanka ka dhacaya dalka Jermalka.

Waxaana la filayaa Jeremy Toulalan, Joaquin iyo ciyaaryahankii horre weerarka uga ciyaari jiray kooxda Madrid Julio Baptista kuwaasoo la sheegay in ay door ku yeelan doonaan ciyaarta caawa,

Sidoo kale waxaa la filayaa in weerar yahanka reer Argentine oo horrey ugu soo ciyaaray-Madrid Javier Saviola, in uu hoggaamiyo dhinaca weerarka

Ciyaartoyda caawa la filayo in ay u ciyaaran kooxda Malaga: waxaa ka mid ah : Caballero; Gamez, Lugano, Demichelis, Antunes; Toulalan, Camacho; Joaquin, Baptista, Isco; Saviola

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here