Maxaa laga filan karaa kulanka sadexda masuul ee ugu sareysa dalka iyo Hillary Clinton?{warbixin}

Maalmo uun ka dib marki ay soo idlaaday xafaldii lagu afjarayay anssixinta dastuurka cusb ayaa madaxdaxwaynaha dowlada soomaaliya iyo sharif xasan shiiq adan waxaa loogu yeeray shir aan horay loo sii shaacin warar kala duwana ay kaso baxaya waxyabaha loga hadllayo kaa o ka dhacaya magalada Nairobi.

waxana la filayaa in rasiisulwasaraha soomaaliya Dr Gaas insa uu gaaro saacadaha soo aadan iyadoo ay garwadayn ka tahay shirka haweeneyda xogahayaha arimaha dibada u ah dowlada maraynakanka Hillary Clinton lkn waxaa aad isha loogu hayaa xiliga uu shirki kusoo aaday oo ah waqti kala guur ah madaxda dowladana mid kasta uu xusul duub ugu jiro sidii uu iskaga dhex arki aha dowlada soo soocta .

H.Clinton waxa lagu xasuustaa inay inabadan u ollolayso in hogaano cusub uu dalku yeesho markauu dhamaado waqtiga ay shaqaynayaan madaxda iminka jirta taa oo caqabad ku noqon karta hankii madaxda dowlada.

Waa tan kallee shirka ayaa daba socda xilli dalku uu yeeshay dastuur cusub oo samayntisu mudo qadatay muran iyo guux badana ka dhex dhaliyay somaalida iyadoo la sheegayay inay dowlado dibada ah ku lug leeyihiin dastuurkan cusub waxana in badan madaxda dowlada wadamada taageeraha siiya ku cadaadin jireen samaynta dastuur cusub .

intii uu socday shirka lagu ansixnayay dastuurka waxa la rumaysanyahay inu dib u dhigay arimo badan o kuso wajahnaa madaxda dowlada o ay ka mdi ahayd warbixintii ay so sare gudiga la socodka xaladaha somaliya iyo ilatrie ka o la filayay in qaraar ay kaso saran golaha ammaanka 28-ka bishii aynu so dhafnay waxana warbixntaasi madaxda dowlada ku shegen in lagu carqaladaynayo howlaha dowlada iyo dastuur cusub o u dalku yeesho.

Hillary cliton o shir gudon ka ah kulanka Nairobi ayaa lagu xasuusstaa hadalki ay ka jedisay shirki London o ay si cad madaxda dowlada iyo beesha calamkaba ugu sheegtay inay taagerayaan in dalka somaliya yeesho Augusto kadib madax cusub iyo dastuur cusub.

Hadaba wararka aynu ka hellayno shirka Nairobi ayaa sheegaya in arimaha ugu weyn ee loga hadlayo ay ka midyihiin.

1- Waxyaabaha ka jira eedeyntii dhaqaalle ee lagu eedeyay madax ka mid ah dowlada iyo rag xilal hor usoo qabtay dowlada.

2- Doorka dowlada iyo siday ugu diyaar garowday doorasho xor ah oo ka dhacda dalka.

Dowlada maraykanka waxa ay hormuud u tahay wadamada taageera dowlada dhaqaallo badan ayayna ku bixisaa sugida amniga iyo socodsiinta howlaha dowlada go’aanada Clinton-a waxay jidgooyo ay adagtahay sida looga tallaabo ku noqon kartaa madaxda dowlada ee iyagu wada hami ay kusoo laabanayaan markalle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here