Maxaa kusoo kordhay Tabashadii Ardayda Addis Ababa looga tagay

Faysal Cumar Guuleed Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in la xaliyay tabashooyinkii ay qabeen ardayda Soomaaliyeed ee deeqda waxbarasho ka helay dalka Ethiopia.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dadaal ay u galeen xalinta tabashooyinka ardayda, waxaana uu qiray inay jiraan waxyaabaha qaar ee ardayda Soomaaliyeed ay ka cawdeen.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada ayuu tilmaamay inay dadaal badan ku bixin doonto xalinta cabasho walbaa oo ka timaada ardayda Soomaaliyeed ee wax ku baraneysa dalka Dibadiisa, kuwaasi oo deeq waxbarasho hela.

“Waa Sax ardaydaasi waa la siiyay minxadaasi aniga ayaana saxiixay, waxaana kuu cadeynayaa inaan xalinay waxyaabaha qaar , waxyaabaha dhiman oo idilna waan xalineynaa”ayuu yiri wasiir ku xigeenka waxbarashada.

Ardaydaan ayaa dhawaan sheegay in lagu dayacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, sidoo kalana aan lagu hagaajin halkii ay wax ka baran lahaayeen iyo minxooyinka ay rabaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ardaydaan ka kaxeeyay magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galayay shir ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here