Maxaa ku dhacay Arsen Wenger?

 

Tababbarraha Arsenal oo ka baxay jabka soo gaaray Liverpool
Tababbarraha Arsenal oo ka naxay jabka soo gaaray Liverpool

Sidda maanta lagu arkay bogga wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska, tababbarre Arsen Wenger ayaa la arkayay isagoo dhacay oo ka naxay jabkii ka soo gaaray kooxda Liverpool, taasoo ku xaaqday 5 gool.

Waxaa la arkay asagoo wata boorso oo dhulka ku dhacay dabadeedna waxaa qaadayay oo caawinayay boolis.

Sawirkan ma cadda in uu yahay mid sax ah iyo in kale, balse tababbarraha oo la hadlay BBC-da qaybta cayaaraha wuxuu caddeeyay in xaley laga cayaar fiicnaa dhinac kasta, wuxuuna dhaliisha ugu weyn uu saaray difaacyada kooxda oo uu sheegay in ay isdhigteen.

Tababbarraha reer France ayaa qiray in laga cayaar fiicnaa oo kooxda Liverpool ay ka faa’ideesatay daldaloolaha ka muuqday kooxda Arsanal, taasoo keentay in shan gool lagu xasuuqo.

Si kastaba, Arsenal waxa ay bishan cayaari doontaa kulamo aad u adag oo uu ku jirro kan Bayer Munich ay la lee dahay horiyaalka Yurub.

Chelsea ayaa hadda hoggaanka si KMG ah ula wareegtay markii ay xaley seddax iyo waxbo udhiibtay kooxda New Castle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here