Maxaa Kismaayo ka socda?

Sida uu soo sheegayo wariye ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa halkaas ku qulqulaya ergo ka socda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasoo ka qaybgalaya shirka maamul u sameenta seddaxdaas gobal.

Magaalada waxaa tan iyo shaley ku qulqulaayay ergooyin ka socda gobalada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbadda Hoose, kuwaasoo ka qaybgalay shirka maamul u sameenta Jubbooyinka oo dhowr jeer uu hakad ku yimid.

Guddiga qabqaabinaya shirka ayaa saxaafadda u sheegay in dhawaan uu si rasmi u billaaban doono shirka maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, maadama ay soo dhameestirmeen ergada ka socda seddaxdan gobal.

Guddiga wuxuu sheegay in shirka loo qaybsaday qaab qabiil, oo gobal kasta la siiyay ergo iyo kuraas, kuwaasoo ka qaybgali doona shirka ka dhacaya xarunta Jaamacadda Kismaayo ee magaaladaas.

Shirkan oo ay garwadeen ka tahay IGAD iyo dowladda Kenya, waxaa dhaliilsan oo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer uu ku yimid hakad taasoo keentay in uu baaqday shirar dhici lahaa.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta aad ku arkeysaa ciidamo ka tirsan kuwa ku-meel-gaarka ee gacanta ku haya iyo ciidanka Kenya oo ka tirsan kuwa AMISOM.

Garoonka diyaaradaha magaalada waxaa tan iyo shaley soo caga dhigaanayay diyaarado badan oo wada ergooyin ka qaybgalaya shirka maamul u sameenta Jubbooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here