Maxaa keenay dib u dhaca markale ku yimid doorashada KG

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay mar labaad dib u dhacday doorashada.

Jadwalka doorashada cusub ee la soo saaray, ayaa qeexaya in Doorashada Madaxtinimada ay dhaceyso 5ta Bisha December ee soo socota.

Markii hore ayey doorashada qorsheysneyd 17kii Bishan, dib ayaa loo dhigay waxaana laga dhigay 28ka Bishan,laakiin mar kale ayey Guddiga doorashada dib u dhigeen gaarsiiyeenna 5ta Bisha soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here