Maxaa kasoo bixi doona wada hadalada London ee TFG-da iyo Somaliland?

Arbacada soo aadan ayaa lagu wadaa in magaalada London ka furmo shir ay si waji ka waji ah isu soo hor fariisan doonaan Dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland.

Shirki ugu horeeyey oo fool ka fool ah ayey labada dhinac ku yeelanayaan London maalinta Arabacada ah, waxaana labada dhinac ay ka hadli doonaan arimo ku saabsan aayaha labada dhinac.

Wafdiga Somaliland waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha dibada Maxamed Cabdullahi Cumar kaasi oo isaga iyo asxaabtiisa xalay gaaray London, dhanka dowlada KMG Soomaaliyana waxaa la filayaa inuu hogaamiyo wasiirka arimaha dibada.

Somaliland waxay sheegtay in ay shirka la tagi doonto arimo ay ugu horeyso qadiyadeeda madaxbanaanida iyo in ay ixtiraamto walaalahood ka socdoa dowlada KMG sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada.

“Shirka waxaan la tagi doonaa oo saldhig u ah xoriyada iyo madaxbanaanida iyo himilada shacabka reer Somaliland in aan kusoo bandhigno wada hadalada isla markaana dowlada TFG-da aan ixtiraam siino,” ayuu yiri Mr. Cumar.

Shirkan waxa uu socon doonaa mudo laba cisho ah 20- bishan ayuu furmayaa waxaana uu dhamaan doonaa 21-ka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. shirka waa wakhti dhumis wax ka soo baxaaya oo natiijo ah malaha. beelihii somaliland oo dhan shirka qayb kama aha magacooda waxaa ku hadlaysa hal beel arintaas oo ah xaqiraad iyo dulmi laga galay beelaha aan doonayn goosashada oo taageersan midnima somaliya.

Comments are closed.