Maxaa kasoo baxay shirki Wadatashiga ee Garoowe (Dhageyso) ?

Waxaa galabta magaalada Garoowe lagu soo gaba gabeeyey shirki maalmahan dhinacyada siyaasada Soomaalida uga socday halkaasi iyadoo la saxiixay heshiis ku yimid hab jilba murux.

Hogaamiyaasha siyaasada dalka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa saxiixay heshiiska oo ay ugu muhiimsanaayeen in baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay ku yimaadaan nidaamka 4.5.
Waxa kale oo lagu heshiiyey in dastuurka cusub la dhameystiro ka hor bisha August isla markaana loo sameeyo shir weyn.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in shirkaan taariikhiga ah lagu soo gaba gabeeyo Garoowe, sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday inuu aad u necebyahay nidaamka 4.5 balse uu u tana sulay madaxda dowlada oo uu sheegay in dadka Koonfurta Soomaaliya aysan ka yeeleyn wax ka baxsan 4.5.

“Aniga aad ayaan u necbaa in 4.5 laga dhigo baarlamaanka, laakin waxaan u tanasulay walaalaheeyga koonfurta oo dhibaato uga imaaneyso, waxaana ugu danbeynti ku heshiinay qodobada aad aragtaan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa isna uga mahad celiyey ciidanka amaanka Puntland sida ay ugu guuleysteen amniga mudadi uu socday shirka, waxaana uu ugu baaqay dhamaan Soomaalida in ay ixtiraamaan miraha kasoo baxay shirka.

Dhageyso Waxyabaha kasoo baxay Shirkii Garawe

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2011/12/shirkiigarawe.mp3″]
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ku qanciyey madaxweyne Faroole inuu ka laabto go,aankiisa ayaanan kulanka ka hadlin.

Madaxda dowlada oo galabta kasoo baxay Garoowe ayaa caawa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com