Maxaa kasoo baxay shirki Kooxda Xiriirka Caalamiga Somalia

Waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyey magaalada Jabuti ee xarunta dalka Jabuuti shika Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya kaasi oo loogaga hadlay guud ahaan xaalada dalka.

Kulanki shalay oo uu shir gudoomiyey Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Maxamed Cali ayaa waxa lagu falan qeeyey arimaha roadmap-ka, dhaqan gelinta shirki Garoowe iyo qilaafka hareeyey Baarlamaanka.

Afhayeenka xukumada C/raxmaan Yariisoow oo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha shirka ayaa uga warbixiyey warbaahinta wixi kasoo baxay shirka.

Wuxuu sheegay in la isku raacay in talaabo adag laga qaado dadka wada qalalaasaha baarlamaanka, iyadoo dhamaan dalalka daneeya Soomaliya ee ka qeybgalay shirka isku raceen in la ciqaabo xildhibaanada diidan horusocodka dowlada.

Kulanki shalay ayaa sidoo kale looga hadlay ahmiyada shirka London iyo wajiga labaad ee shirka Garoowe oo la filayo in bishaan ka dhaco madashi shirki hore.

Shirarka wajiga labaad ee Garoowe ayaa xooga lagu saarayaa dhameystirka howlaha roadmap-ka iyo socod siinta qorsha howleedka dastuurka iyo dib u heshiisiinta.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.