Maxaa kasoo baxay shirki Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ahaa

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, loogana hadlay Dakhliga,canshuuraha iyo Kharashaadka Dawladda,  baristaqaraxii thearterka, xaaladda dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Tiyaatarka iyoSuuqa Baydhabo, arrimaha amniga iyo gobollada, warfdiga ka imaanaya dawladdaKoonfur Afrika, Horumarinta Kaabayaasha Isgaarsiinta.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed cabdulle Garjeex ayaa warbixinfaahfaahsan ka siiyay golaha dakhliga dawladda kasoo gala ilaha kala duwan eedhaqaale sida Gagada Caalamiga ah ee Aadan Cadde, Furdada Xamar, Ex ControlAfgoye, iyo hayadaha kale sida immigrationka, wasaaradda gaadiidka, iyo civilaviationka, iyo meelaha ugu muhiimsan oo ay ku baxaan kharashaadka dawladdasida raashinka ciidamada, mushaaraadka shaqaalaha, mushaaraadka barlamaanka iyokharashaadka wasaaradaha.

Raiisal Wasaaraha ayaa ku boorriyay wasaaradaha inay helaan qaabab cusub oo lagukordhiyo dakhliga, iyadoo golaha ay wasiirka weydiiyeen wax yaabaha sababay indakhliga uu khasnadda kusoo wada xaroon. Mudane Cabdinaasir Garjeex ayaa golahau sheegay dadaallada ay wasaaraddu sameysay sida tirakoobka baraha ganacsiga,tayaynta waaxda canshuuraha, waxey sidoo kale wasaaradda la hadashay dhammaanhayadaha dawladda siday isaga kaashadaan dakhli uruurinta.

Guddigii Golaha Wasiirada ay u saareen baaristi iyo dabagalki qaraxii ka dhacaytheaterka Qaranka ayaa warbixin horudhac ah soo gudbiyay iyaga oo sheegay ineymaalinta axadda ah ay soo gudbin doonaan warbixinta oo dhameystiran goalahanasoo hordhigi doonaan, Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Mudane Cabdicasiis Sheikhyusuf ayaa sidoo kale warbixin golaha ka siiyay xaaladda caafimaad ee dadkii kudhaawacmay isla qaraxaas.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed (X.D.S) ayaa warbixin dheer golaha kasiiyayguulihii ay kasoo hooyeen ciidanka qalabka sida furumaha lagula dirirayo cadawga, waxa uu sidoo kale ka warbixiyay sida ciidamada AMISOM loo geynayo gobolladii la xoreeyey, taliyaha ayaa golaha u sheegay in ilaa 4 sector loo kala qeybiyay, Qeybta 1aad oo ah Muqdisho, Qeybta 2aadna Kismaayo, Qeybta 3aadna uu yahay Baydhabo iyo kan 4aad oo ah Beledweyn iyo ciidamada sida loogu geynayo iyo xilliyada la geynayo.

Golaha ayaa sidoo kale isla qaatay codsi Wasaaradda Gaashaandhiga ay keensatay oo ah in dhamaan ciidamada qalabka sida loogu yeero magacooda asalka ah oo ah “Ciidamada Qalabka Sida” “Somali Security Forces (SSF)” si aysan u jirin wax kale oo ciidan lagu tilmaami karo dalka.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa golaha keenay qorshe lagu hormarinayokaabayaasha isgaarsiinta sida sameynta isku xire isgaarsiin “Interconnectivity platform”iyo horumarinta qaab ammaan ah oo isgaarsiin “Secure Network Sysytem’ oo aydawladda u isticmaasho xiriiradeeda khaaska ah.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay dalka KoonfurAfrika iyo wafdi heer sare ah oo dalka dhawaan soo gaari doona oo ka socdadawladda K/Afrika, wadatashiyo iyo iskaashil ballaaranna la sameyn doona dawladdafederaalka KMG ah.