Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweyne Xasan Shiikh iyo Faroole?

Kulankii ay magaalada Garoowe ku lahayeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo gaba gaboobay iyadoo ay ka soo baxeen godobo.

La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yarisoow oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay kulamadii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Waxa uuna intaasi ku daray in kulamada looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin shirka bisha May ka dhacaya magaalada London, nidaamka maamul u sameynta gobolada, wada hadaladii u dhaxeeyay maamulka Soomaaliland iyo dowladda Federaalka ah iyo qodobo kale.

Sidoo kale Yarisoow ayaa intaasi ku daray in kulanka uu ku soo dhamaaday guul iyadoona lagu heshiiyay in la sii wado wada halada u dhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal halkaas uu shalay ilaa maanta kulamo kula lahaa mas’uuliyiinta Puntland waxaaana kulamada oo soo idlaaday ay ku soo dhamadeen guul.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here