Maxaa kasoo baxay kulanki xalay ee Gudiga Amniga Qaranka

Kadib todobaad ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo, iyo duqeymo loo geystay meelo ay ka mid aheyd madaxtooyada ayey xalay kulan arimahaasi looga hadlay yeesheen gudiga Amniga Qaranka.

Kulankan oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa shir gudoominayay Madaxweyne Shariif, iyadoo ay qeyb ka ahaayeen Golaha Wasiirada, saraakiisha dowladda iyo taliyeyaasha ciidamada iyo qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka.

Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu aad ugu canaantay saraakiisha ammaanka, sida ay ugu gaabiyeen xilligan sugida ammaanka, isla markaana uu aad uga carooday qaabka ay habeenkii u howl galaan.

Gudiga Amniga qaranka ayaa kulanka ka soo saaray awaamiir la xiriiray ammaanka iyo sida loo xaqiijin lahaa, iyadoo la soo saaray in Ciidamada ay howl galaan xilliyada habeenkii ayna hogaamiyaan saraakiisha.

Sidoo kale Gudoomiyaasha degmooyinka ayaa la faray inay habeen iyo maalin u soo jeedaan sidii amniga loo xaqiijin lahaa, isgoysyada wadooyinka ay ciidamada ku sugi doonaan ammaanka.

Kulanka Gudiga amniga qaranka oo ahaa kii u horeeyay ee noociisa oo ay yeeshaan Gudiga ayna ka qeyb galaan, taliyeyaasha saldhigyada, gudoomiyaasha degmooyinka ayaa ku soo aadaya iyadoo ammaanka Muqdisho maalmihii u dambeeyay faraha ka baxayay.

Shalay ayay aheyd markii gaari waxyaabo qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay Wadada Maka Al-Mukarama, kaasoo aan wax qasaare ah geysan, iyadoo ciidamada dowladda ay ka hortageen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.