Maxaa kasoo baxay kulanki galabta dhexmaray Hilary Clinton iyo hogaamiyaasha Soomaalida

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Hilary Clinton ayaa taageertay horumarka xaga siyaasada ee ay sameysay dowlada KMG Soomaliya ee loogu gudbayo dowladnimada.

Kulan ay galabta kula yeelatay magaalada Nairobi madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda kale oo ay ku jiraan saxiixayaasha roadmap-ka ayeyku sheegtay in Mareykanka uu dhiiri gelinayo waxqabadka ay la yimaadeen hogaamiyaasha Soomaalida.

“Aad ayaan u dhiirgelineynaa horumarka ay ka sameynayaan hogaamiyaasha Soomaalida arnta geedi socodka nabada Soomaaliya ee ah in 20-ka August ay noqoto waqtiga kama danbeysta ah ee dowlada Soomaaliya,” ayey tiri Hillary Clinton.

Dhanka kale Clinton ayaa sheegtay in dowlada Mareykanka ay taageeri doonto dowlada cusub ee u dhaln doonto Soomaaliya sida la rajeynayo bishaan dabayaaqadkeeda.

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulanka kadib wariyaasha la hadlay ayaa uga mahadceliyey Dowlada Mareykanka taageerada ay siineyso dowlada Soomaaliya.

Somalia ayaanan helin dowlad rasmi ah tan iyo marki ay bur burtay xukmadi hore ee Maxamad Siyaad Barre sanadki 1991-ki, wixi ka danbeeyey waxaa jiray dowlado aanan dalka dajin.

Waxa ugu roonaa dowlada KMG oo mudo sideed sana ah dalka ku waday xakun KMG ah inkastoo ay dagaalo adag la gashay Al Shabaab oo wali ah awood ka jira dalka Soomaaliya, isla markaana wali maamula inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here