Maxaa kala qabsaday Ronaldo weyne & Toni Kroos?

Xidiga Real Madrid Toni Kroos ayaa 9 daqiiqo kadib markii loo dabaal degay Sanadka cusub 2017 Bartiis Twitterka soo dhigay fariin iyo sawir dabaaldag ah balse dhinaca kalena uu ku bahdilayo saaxiibkiis ay isku kooxda yihiin ee Marcelo.

Kroos ayaa soo qoray “Happy 2017′, laakiin halka tirada 17 ka ayuu ku buuxiyay calamada Germany iyo Brazil isaga oo ula jeeday guuladaradii ceebta ahayd ee ay Germany 1:7 ugu awood sheegatay Brazil ee koobkii aduunkii 2014 kii.

Xidiga reer Germany ee da’da yar Toni Kroos ayaa meel dhaw wax ka eegay wuxuuna iska ilaaway inay taariikh kale jirtay balse jawaabta uu ka helay halyaygii ree Brazil ee Ronaldo Luís Nazário ayaa noqtay mid cajiib ah isla markaana uu Kroos ka shalaynayo in aanu markii h–e ka fikirin. Ronaldo Luís Nazário ayaa isla fariinta sanadka cusub ee 2017 ugu jawaabay Toni Kroos.

Dhinaca kale Luís Nazário ayaa bartiisa facebook ku soo qoray : “Happy New YearToni Kroos,” laakiin waxa uu sina qoraalkan soo raaciyay sawirka finalkii koobkii aduunka ee sanadkii 2002 kii markaas oo Brazil koobka aduunka ka qaaday Germany isla markaana uu Ronaldo laba gool dhaliyay wuxuuna si ka duwan Kroos uu sanadkan 2017 ka soo qaabtay qaybta 17ka wuxuuna 20-ka ku badalay calamada Brazil iyo Germany isaga oo ula jeeda in Brazil ay 2:0 finalkii koobka aduunka ku garaacday Germany.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here