Chelsea & Sunderland oo gaaray guul ay u baahnaayeen

Maxaa kala qabsaday Chelsea & Liverpool
Maxaa kala qabsaday Chelsea & Liverpool

Waxaa goordhow soo dhammaatay cayaar adag oo dhex martay kooxaha Chelsea iyo Liverpool.

Cayaarta oo ka dhacday garoonka Anfield ayaa xilligii loogu talagalay waxa ay ku dhammaatay 2 iyo o oo guusha ay ku raacday Chelsea.

Goolasha Chelsea waxaa u kala dhaliyay Demba Ba iyo Willian.

Guul-darradan waxa ay dhabarjab ku tahay macallin Brendan Rodgers oo 78% ku rajo weynaa in uu ku guulaysto horyaalka Ingiriiska.

Labada koox ayaa fursado loo fishay goolal helay balse waa ay iska khasaariyeen.

Guusha kooxda Chelsea, ayaa waxay faa’iido ugu jirtaa kooxda Manchester City oo lix dhibcood ay ka horreyso Liverpool.

Dhinaca kale, Sunderland   ayaa guulweyn gaartay kaddib markii 4 iyo 0 ku xaaqday  Cardiff City

Cayaarta kale waxa ay dhex martay Crystal Palace     0 – 2     Manchester City

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here