Maxaa kala qabsaday Chelsea & Galatasaray?

Maxaa kala qabsaday Chelsea & Galatasaray?
Maxaa kala qabsaday Chelsea & Galatasaray?

Chelsea ayaa noqotay kooxda kaliye ee ka socota Ingiriiska ee ilaa hadda u soo baxday wareega rubuc dhamaadka horyaalka Yurub, kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Turkiga ee Galatasaray.

Samuel Eto’o iyo Gary Cahill ayaa u dhaliyay labada gool kooxda Chelsea kuwaasoo yimid qaybtii horre ee cayaarta ka dhacday garoonka Stamford Bridge.

Didier Drogba ayaa markii ugu horreysay lagu dhex arkay garoonka Chelsea tan iyo markii uu ka tagay labo sanno ka hor.

Labada lug aya ku dhammaatay isu geen 3 iyo 1 oo ay ku adkaatay kooxda Ingiriiska.

Si kastaba, naadiga ka dhisan Stamford Bridge ayaa u soo baxday wareega seddaxaad ee horyaalka Champions League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here