Maxaa kala qabsaday Barcelona & Real Madrid ?

Messi oo seddax gool ka dhaliyay Real Madrid
Messi oo seddax gool ka dhaliyay Real Madrid

Kooxda Barcelona, ayaa guul daro kale dusha u saartay kooxda Real Madrid, kaddib markii caawa labada koox cayaar ka tirsan horyaalka Spain oo ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu.

Cayaarta oo ay daawanayeen ilaa 85454‎ qof ayaa waxa ay ahayd mid xiiso badan, waxaana seddax gool ka dhaliyay Lionel Messi.

Billowgii cayaarta 00 7-daqiiqo socotay ayaa waxaa Barca ay dhalisay goolkii koowaad waxaana u dhaliyay Andrés Iniesta Luján, balse Karim Benzema ayaa soo barbareeyay.

Intaas markii ay cayaarta mareysay ayaa haddana waxaa laga dhaliyay Barca gool kale oo waxaa dhaliyay Karim Benzema.

Qaybtii horre siddaas ayaa lagu kala nastay, waxaana markii dib la isugu soo laabtay kooxda Barca ay dhalisay goolkii labaad ee barbardhaca waxaana u dhaliyay Messi .

Markale ayaa Real waxa ay heshay goolkii seddaxaad waxaana u dhaliyay Ronaldo.

Intaa kaddib Messi oo ahaa xiddiga cayaarta ayaa dhaliyay labo gool oo kale,taasoo cayaarta ka dhigtay 4 iyo 3 oo ay ku adkaatay kooxda Barca.

Intii cayaarta ay socotay Real Madrid waxaa laga saaray Sergio Ramos oo qalad ku galay Neymar, taasoo keentay in loo dhigo rigoore kaddibna waxaa dhaliyay Messi.

Si kastaba, cayaartan tii ka horreysya ee dhex martay Barca iyo Real waxa ay ku dhammaatay 2 iyo 1 oo ay ku adkaatay kooxda Barcelona.

Messi ayaa noqday cayaaryahanka kaliye ee jabiyay rokoor ka yaalla horyaalka Spain, wuxuuna noqday cayaaryahanka dhaliyay goolasha ugu badan.

Goolasha uu dhaliyay xaley waxa ay tirada guud ka dhigeysaa 21-gool in uu dhaliyay xilli cayaareedkan.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here