Maxaa kajira in Xukuumadda Soomaaliya ay ansixisay sharci ogolaanaya in Ragga is guursan karaan?

sharmaake bad gateHay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay kaga hadleen Qoondada Haweenka ee Siyaasadda Soomaaliya.

Culimada ayaa duray Hay’adaha gadaal ka riixaya in Haweenka Soomaaliyeed ay Maamulka Siyaasadeed ee Dalka ay ku yeesheen Jagooyinka Sar sare,waxaana ay si gaar ah Qaramada Midoobey iyo AMISOM ugu dhaliileen in ay Haweenka Fasahaadinayaan iyaga oo Kulamo lagu dhiirro gelinayo Zinada,Gudniinka lamamnuucay oo aan lakala soocin iyo Isu tagga Dadka isku jinsiga ah ku siinaya Siminnaaradda,waxaana ay ku dareen in ay dhiirro geliyaan in Casharro la xiriira Galmada lagu barto Dugsiyada Waxbarashada.

Qodobada kale ee ay Culimada dhaleeceeyeen waxaa ka mid ah in Sharciyada Wasaaradda Haweenka gudbisay ee ay meel mariyeen Golaha Wasiirada ay wax u dhimayaan Diinta Islaamka,waxaana qodobadaas ka mid ah in Dumarku ay Xor yihiin marka laga dhinto,taa soo macnaheedu tahay in aysan lahayn Ciddo,in Gabadha isguurin karto,waxna furi karto.

Culimada waxaa ay baaq u direen Dowladda Soomaaliya,waxaana ay talo ku soo jeediyeen in arrimaha Haweenka ee Siyaasadda lagala tashto Culimada Soomaaliyeed,Odayaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanka.

Muuse Axmed Ciise oo ka mid ah Hay’adda Culimada ayaa Bayaanka u aqriyay Warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here