Maxaa kajira in Jubbaland ay xabsiyada kasii deysay rag Daacish katirsan?

e02eec184c00aec49b23Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Maamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Axmed Carab ayaa sheegay wararka ay qoreen Warbaahintaasi inay been abuur yihiin oo aysan waxba ka jirin.

Waxa uu sheegay inaysan jirin cid ka tirsan Daacish oo Xabsiyada Jubbaland laga sii daayay.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo in ciidamada Jubbaland aysan xabsiga ka sii daynin rag ka tirsan Daacish oo tiradooda lagu sheegay 7 ruux, Wararkaasi oo ay qoreen qaar ka tirsan Warbaahinta Somalida, marka waxaan leeyahay arintaasi waa been waxba kama jiraan.” Ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Jubbaland.

Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ayaa sidoo kale beeniyay ciidamo ka tirsan Jubbaland in lagu xiray Magaalada Kismaayo.

“Waxaan kaloo rabaa inaan beeniyo ciidamo Jubbaland ka tirsan oo 200 ah oo ay qorayeen Webstiyeda in lagu xiray Magaalada Kismayo arintaasi waa been abuur ciidan intaasi la eegna lama xiri karo.” Ayuu yiri Axmed Carab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here