Maxaa kajira in al-shabaab ay nolosha ku hayso taliyihii ciidamada Kenya ee Xerada Ceel-cade?

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Warar goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Al-shabaab Askarta kenyanka ah ee ay nolosha ku haystaan uu kamid yahay Taliyihii ugu sareeyay ciidamada Kenya ee Xerada Ceel-cade oo ay Al-shabaab weerareen Jimcihii lasoo dhaafay.

Saraakiisha ciidamada Kenya oo markii hore beeniyay in Al-shabaab ay nolosha ku wadatay Askar Kenyan ah, ayaa hada qirtay ineey jiraan askar badan oo nolol iyo Geeri ay ku la’yihiin.

Arintaan ayaa dhabarjab xoogan ku noqon doonta Doowlada Kenya, waxayna ku qasbanaan doontaa ineey la gorgortanto Al-shabaab si ay dib ugu helaan xuriyadooda askarta laga haysto iyo Sarkaalkan sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here