Maxaa ka jirra diyaaradii la la’aa ee dalka Malaysia in Soomaaliya lagu haysto.

Maxaa ka jirra diyaaradii la la'aa ee dalka Malaysia in Soomaaliya lagu haysto.
Maxaa ka jirra diyaaradii la la’aa ee dalka Malaysia in Soomaaliya lagu haysto.

Wargeys kasoo baxa wadanka Bangladesh oo la yiraahdo Blitz ayaa qoray war ku saabsan in diyaaradii laga waayay dalka Malaysia ay suurto gal tahay inay soo qafaasheen koox Islaamiyiin ah lalana soo aaday dhanka Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya xubno ka tirsan military-ga Malaysia oo uusan magacyadooda shaacin ayaa waxau u sheegeen in la tuhunsanyahay in diyaaradda ay leedahay shirkadda Malaysia Airlines ay gashay gacan koox afduubayaal ah oo aysan la kulmin wax shil ah.

Saraakiishaan ayaa wargeyska warkaan qoray u sheegay in la tuhunsan yahay in in koox afduubatay ay lasoo aadeen dhanka Soomaaliya.

Wargeyskaan la yiraahdo Blitz ee kasoo baxa caasimada dalka Bangladesh waxaa uu ku waramayaa in rakaabka diyaaradda saaran iyo diyaaradaba ay ku jiraan gacanta koox Islaamiyiin suurta galna ay tahay in Soomaaliya lagu haysto sida wargeyskaan qoray.

Ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dawlada Malaysia iyo dawladaha kale ee ku hawlan baadi goobka diyaaradaan la la’yahay mudada 5,ta cisho ah hase ahaatee waa uu jiraa tuhunka in diyaayarada la qafaashay.

Diyaaradaan oo nooceedu yahay Boeing 777 oo ay la socdaan 239 ruux  ayaa la waayay saacad kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Kuala- Lampur ee caasimada wadanka Malaysia waxaana ugu war dambeysay xilli ay dul maraysay hawada wadanka Vietnam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here