Maxaa ka jira warar la isla dhaxmarayo oo sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu isu dhiibay dowlada KMG ?

Waxaa soo xoogeysanaya warar maanta oo dhan dhax sabayenayey ra,yul caamka magaalada Muqdisho kaasi oo sheegayey in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab uu isu dhiibay dowlada KMG Soomaaliya.

Meelaha lagu qaxweeyo, gaadiidka BL-ka ah dhexdiisa iyo fadhi ku dirirka Muqdisho ayaa maanta warki ugu weynaa ee lagu hadal hayey waxa uu ahaa Sheekh Xasan Dahir oo iska dhiibay degmada Afgooye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheekha oo aad uga soo horjeeday dowlada KMG ah ee uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif uu haatan ku suganyahay madaxtooyada, halka qaar kalana ay dhahayaan mayee wuxuu joogaa xero ay ciidanka Amisom ku leeyihiin Afgooye.

Ma jirto war sugan oo arintaasi xaqiijinaya oo sheegaya in Sheekh Xasan Dahir uu ku biiray dowlada KMG Soomaaliya, sidoo kale war beeninaya ama xaqiijinaya kama uusan soo bixin dowlada iyo dhanka Al Shabaab ama isaga qudhiisa.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Al Shabaab ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Dahir uu ku suganyahay degmada Marka ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo lagu wado in uu shir jaraa’id ku qabto.

Sheekhan ayaa ah wadaad mintid ah oo ku jira liiska argagixisada ee Mareykanka waxaana lagu tiriyaa dadki hormuudka ka ahaa dagaalada iminka ka socda Soomaaliya kuwaasi oo bilowday sanadki 2008.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.