Maxaa ka jira in Robin van Persie ku biirayo Barcelona

Iyadoo dhawaan taageerayaasha Arsenal ay ka naxeen warka sheegaya in kubad sameeyaha qadka dhexe Jack Wilshere uu garoomada dhaawac dartii uga maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ayey hadana ka qaracmeen warka sheegaya in Barcelona ay ugaariso ku heyso weeraryahankooda Robin van Persie.

War lagu qoray Jimcihi wargeyska kasoo baxo dalka Spain ee rag El Mundo Deportivo, ayaa lagu sheegay in kabtanka Arsenal Robin van Persie oo ah 28 jir u dhashay dalka Holland laga yaabo inuu raaco wadadi saaxibkiis Cesc Fabregas oo sanadki horay ku biiray Barcelona.

Waxaa lagu waramayaa in Barcelona ay tix gelineyso in ay dalab ay u dirto Arsenal iyada oo ka faa’ideysaneyso koobaba la,aanta soo wajahday Arsenal oo aanan mudo sanaha ah qaadin wax koobab ah, waxa kale oo laga yaabaa in ay ku qanciso Van Perise guulaha uu gaaray saaxibkiis Fabregas oo ay isku koox ahaan jireen kaasi oo mudo lix bilood gudaheed la qaaday sadex koob.

Waxa kale oo jira warar sheegaya in ay ka tagi doonaan sanadkaan xidigo kale oo ka tirsan Arsenal kuwaasi oo uu ugu horeeyo laacibka u dhashay dalka Russia Andrey Arshavin oo ay raadineyso kooxda Anzhi Makhachkala.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.