Maxaa ka Jira in Kenya ay Diiday Sharciga Lagu Baxo ee Go Home-ka?

Waxaa saacadihii u dambeeyay magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii soo galay warar sheegaya in Dowlada Kenya ay diiday Sharciga loo yaqaano Go Home-ka, kaasoo ay Soomaalida maalmihii ugu dambeeyay ay si xoogan ugu socdaalayeen Dalkooda Soomaaliya.

Warkan magaalada soo galay ayaa waxaa la socday in Soomaali badan lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Joma Kenyata.

Hadaba wararkan waxaa la sheegay inay Been abuur yihiin, iyadoo la sheegay Dadki bixi rabay Habeen hore ay raaci rabeen Diyaarada Daalo Airline, balse Diyaarada dhan ayaa Hawada soo galin, waxaana diiday Dowlada Kenya.

Shaciga Go Home-ka ayaa loogu talo galay in Soomaalida ku nool Kenya ay uga baxaan dalkan, iyagoo ugu noqonayo Dalkooda Hooyo.

Waxaa xalay baxay Soomaali aad u badan, kuwaasoo aan wax qal qashaad ah la galin, iyagoo ku baxay sharciga Go Home-ka, mana jirto wax la joojiyay oo Go Home ah.

Soomaalida ku nool Xaafada Islii ayaa waxaa soo wajahay culeys xoogan, iyagoo dhibaatada Kenya ka doorbiday inay dib ugu laabtaan Dalkooda Hooyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here