Maxaa ka jira in duqeyn lagu dilay hogaamiyaha ISIS (al-Baghdadi)?

Hogaamiyaha ISIS al-Baghdadi
Hogaamiyaha ISIS al-Baghdadi

Sida uu qoray wargeyska Dailymail, waxaa soo baxaya warar aan weli la xaqiijin oo sheegaya in duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Droneska Mareeykanka, lagu dilay hogaamiyaha kooxda mayalka adag ee ISIS.

Warkaan ayaa hadii uu rumoobo noqon doona mid weyn oo saameeyn ku yeesha kooxda ISIS oo iyadu ka talisa qeybo badan oo kamid ah dalalka Syria iyo Iraq.

3521885D00000578-3640726-Abu_Bakr_al_Baghdadi_has_been_the_leader_of_the_jihadist_militan-a-47_1465912238194

Mareeykanka iyo xulufadiisa dagaalka kula jira kooxda ISIS, ayaa sidoo kale weli xaqiijin warkaan, balse ilo sirdoon ayaa sheegaya ineey u badantahay in al-Baghdadi lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Raqqah oo xaruun u ah kooxda.

Sidoo kale wargeysyada ugu waaweyn dalka Turkiga, ayaa saakay daabacay in al-Baghdadi uu ku dhintay duqeyn ay Droneska Mareeykanka ka geysteen Raqqah.

27AF5D3000000578-3640726-image-a-49_1465912718631

Waxaa xusid mudan in aragtida iyo ama hadalka al-Baghdadi ay dadka ugu dambeysay 2 sano kahor, waxaana wixii markaas ka dambeeyay soo baxayay warar sheegaya inuu dhaawac culus soo gaaray.

Sidoo kale wabsedka Abna24 ayaa daabacay in al-Baghdadi la dilay subaxnimadii isniinta ee lasoo dhaafay.

Si walbooy ahaataba waxaa la wada dhoowrayaa in Mareeykanku xaqiijiyo arintaan, islamarkaasina ku dhawaaqo ineey ka taqaluseen Hogaamiyaha kooxda ISIS oo ah kooxdii sheegatay weerarkii Orlando ee ka dhacay Florida, kaasoo lagu xasuuqay qaniisiin ka badan ilaa 50.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here