Iyadoo dhowr saacadood uu ka harsan suuqa ciyaartoyda Yurub marka uu furmaayo, ayaa haddana waxa la hadal hayaa ciyaartoy fara badan oo ka dhaqaajin doona kooxohooda.
1-da bisha January 2013-ka oo berri ah ayaa waxa furmaya suuqa ciyaartoyda Yurub lagu kala wareego.
Dhinaca kale, Ingiriiska waxa aad loo hadal hayaa dhowr ciyaartoy in ay ka dhaqaajiyaan kooxohooda, waxana ka mid ah: Fernando Torres, Andrey Arshavin, Andy Carroll iyo Afonso Alves, kuwaasoo la sheegay in ka tagi doonnaan kooxohooda.
10-kii sano ee la soo dhaafay horiyaalka Ingiriiska waxa uu noqday mid xiiso iyo xamaasad watta, waxana soo badanayay dadka xiiseeya horiyaalka.
Waxa horriyaalka ku baxday illaa £925m, laakin waxa laga yaabaa in lacagta intaas ay ka badato.,
Damien Comolli oo hadda ka tirsan wariyaasha BBC-da qaybta ciyaaraha waxa uu horrey maamule u soo noqday kooxaha Liverpool iyo Tottenham, waxa uu aamisan yahay in horiyaalka Ingiriiska uu noqday mid ay sii badneyso daawashadiisa.
Yurub oo hadda la dalaac dhaceysa dhibaatooyin xagga dhaqaalaha, haddana laga bilaabo horiyaalka France, Spain, Portugal, Belgium, the Netherlands iyo Italy, waxaa kuwaasoo dhan ka shacbiyad iyo taageero badan hiorriyaalka Ingiriiska the Premier League.
Haddba halkan waxaad ka oggaan kartaa kooxaha Ingiriiska lacagaha ay qarash gareeyeen tan 2003)
Club |
January spend (£m) |
Avg Jan spend per PL season |
Avg finish |
Chelsea | 123 | 12.3 | 2.4 |
Man City | 109 | 18.17 | 9 |
Tottenham | 91 | 9.1 | 7.5 |
Liverpool | 81 | 8.1 | 4.7 |
Aston Villa | 47 | 4.7 | 10.2 |
Newcastle | 42 | 4.67 | 9.8 |
West Ham | 40 | 5.71 | 14 |
Wigan | 36 | 5.14 | 14.1 |
Man United | 36 | 3.6 | 1.7 |
Arsenal | 36 | 3.6 | 3 |
Fulham | 20 | 2 | 11.7 |
Sunderland | 16 | 2.29 | 15.2 |
Everton | 14 | 1.4 | 7.7 |
QPR | 11 | 11 | 17 |
Stoke | 11 | 2.75 | 12.5 |
Southampton | 7 | 2.33 | 13.3 |
Norwich | 5 | 2.5 | 15.5 |
Reading | 5 | 2.5 | 13 |
West Brom | 4 | 0.67 | 16 |
Swansea | 1 | 1 | 11 |