Maxaa hortaagan magacaabista Wasiirada HirShabelle?

cosobleKadib Bil iyo 2 Casho oo uu maamulka HirShabelle jiray,Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaan weli soo dhisin golaha wasiirada.

Cosoble ayaa tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha maamulka curdanka ah ee Hirshabeelle waxa uu magacaabay guddoomiye cusub gobolka Hiiraan iyo weliba guddi amni oo ka shaqeeya ammaanka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa warar hoose ay sheegayaan in uu magacaabay agaasimayaal iyadoo dhamaantoodna ay yihiin kuwo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, waxana kamid ah taliyaha ciidamada nabadsugida oo loo magacaabay sarkaal ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhow dhow arrimaha siyaasada labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in la isku mari la’ yahay sidii awooda ay u qeybsan lahaayeen labadan gobol iyadoo dhammaan xilalka baarlamaanka maamulka ay hayaan mas’uuliyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

“Ma jiro illaa iyo hadda xil loo magacaabay ama uu ku helay doorasho qof ka soo jeeda Sh/dhexe oo aan ka ahayn guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe haatana ah madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen”ayuu yiri mid kamid ah siyaasiyiinta gooblka Sh/dhexe oo diiday in magaciisa la soo xigto.

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa hore wax ugaga bedelay dastuurka Hirshabelle oo ay ansixiyeen ergada labada gobol ka socotay, waxaana qodob ka mid ah qodobadaa oo dhigayay in uusan xil qaban karin xildhibaanka ayaa waxaa lagu bedelay in xildhibaanku uu xil ka qaban karo dowlada Hirshabeelle. Waxaa la rajaynayaa in xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle laga soo xulo xilalka dowlada Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here