Matri: Horyaalka Talyaaniga wuu furanyahay

Weeraryahanka kooxda Juventus Alessandro Matri ayaa rumeysan in loolanka horyaalka dalka Talyaaniga uu wali yahay mid furan kadib marki ay laba dibcood ka hoos mareen hogaamiyaasha horyaalka Seria A-da.

Kooxda Juventus ayaa sadexdi kulan ee lasoo dhaafay gashay bar baro waxaana haatan hogaanka si toos ah uga heysyo kooxda AC Milan oo ay ku loolamayaan, waxaana xusid mudan in Juventus aanan wali dhinaceeda dhulka la dhigin xilli ciyaareedkan.

“Waxaanu in yar ka qoomameyneynaa bareejooyinka aan soo xareysanays dhawaan, hubaashi waxaan ognahay in aan bixinay dadaalkeyni ugu danbeysy ciyaarahaasi, waxna yaanan cabanin sabatoo ah laba dhibcood oo qura ayaan ka hooseynaa Milan horyaalkana wuu furanyahay,” ayuu yiri.

Juventus ayaa la ciyaari doonto Axada kooxda Genoa ciyaartaasina waxay ka dhici doontaa garoonka Stadio Luigi Ferraris, halka AC Milan ay ku marti gelin doonto San Siro kooxda Lecce isla maalintaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.