Mathieu Flamini oo seegi doona kulamada Chelsea, Liverpool & Man Utd

Yaxaaska Arsenal Mathieu Flamini, ayaa dhaawac dartiis 3 isbuuc Garoomada kaga maqnaan doona, waxaana ugu muhiimsan Kulamada uu maqnaan doono, Chelsea, Liverpool, Manchester United iyo Brussia Dortmund.

42356

Xidiga reer France ayaa seegi doona Kulanka Cawada kooxdiisa Arsenal ay wajihi doonto Capital One Cup naadiga Chelsea, sidoo kale waxa uu seegi doonaa Kulanka Sabtida ee Liverpool.

Sidoo kale waxa uu seegi doonaa Kulanka Champion League ee ay November 6deeda wajihi doonaan Kooxda Brussia Dortmund, iyo kulanka Xiga ee Horyaalka Ingiriiska kaasoo ay isku beeganyihiin Naadiga Manchester United.

“Marka aan Scan Saarno, ayaan ogaan doonaa inta uu maqnaanayo” sidaa waxa Yiri Arsene Wenger.

Flamini, oo ka dhaawacan dhanka Muruqa, ayaa tan iyo markii uu sida xorta ah uga soo biiray Arsenal dhanka Milan, waxa uu ahaa mid saameyn weyn ku yeeshay qaab ciyaareedka Arsenal, iyadoo The Gunners ay adkaanayeen dhamaan kulamadii uu ciyaaray.

42357

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here