Mataanaha ugu duqsan caalamka ee nool oo jirsaday da,da 102 sano

Laba haween oo mataana ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa noqday mataanaha ugu duqsan caalamka ee nool iyaga oo hada jira 102-sano.

Edith Ritchie iyo Evelyn “Evie” Middleton ayaa ah laba hablood oo walaala ah isla markaana mataana ah buuga diiwaan geliyo mucjisooyinka aduunka ee Guinness World Records ayaa u aqoonsaday in in ay yihiin mataanaha ugu duqsan.

Waxay dhasheen sanadki 1909 waxaana bishi November ay gaareen sanadkoodii 102-aad, waxa ay hada ku noolyihiin guri dadka waayeelada ah lagu xanaaneeyo oo ku yaala deegaanka Ellon.

Ma jirto mid ka mid ah labada hablood oo u safray meel ka baxsan dalalka la isku yiraahdo UK ee hoostaga boqortooyada Britian.

Inkastoo aanan la kala garan karin, hadana hooyadood ayaa u labisi jirtay dhar isu eg, waxaana marka ay iskuulka kasoo laabtaan ay labadooduba ka shaqeyn jireen beerta ka hor inta aysan galin howsha guriga.

Evelyn ayaa guursatay William Middleton waxaana ay dhashay afar caruur ah iyada oo ayeeyo u ah 12 kal iyo sidoo kale 26 kale oo ay aeeyo labaad usii tahay.

Edith ayaa iyaduna guursatay Nathaniel Ritchie waxaana ay kala heleen afar caruur ah, sagaal ay ayeeyo u tahay iyo 21 kale oo ay dhaleen ilmaha ay ayeyda u tahay.

Mar la weydiyey sirteeda nololeed ee ay usoo joogtay ayey sheegtay, cimri dheer, shaqdo adag iyo say wanaagsan.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.