Mataano Al Shabab lacago u aruurinayey oo lagu xiray Ingiriiska

Maxkamad ku taalo dalka Ingiriiska ayaa min sadex sano ka xakuntay laba wiil oo mataaman ah kana soo jeeda bariga magaalada London, kadib marki lagu helay in ay lacago u direen walaalkooda oo tababar ku qaadanaya dalka Soomaaliya.

Wiilashan oo kala ah Mohammed Shafiq Ali oo ka shaqeeya howlaha xaga gaadiidka ee London, iyo Mohammed Shabir Ali oo ah aabo dhalay sadex caruur ah ayaa lagu sheegey in ay ka mid yihiin koox isku xiran oo lacago u dira Al Shabab sida warku sheegayo.

Dhalinyaradan oo 25 jirro ah ayaa ka aruuriyey lacago meelo kala duwan oo dalka Ingiriiska iyaga oo ku sheegay marki hore in ay u adeegsanayaan sadaqo zako balse marki danbe u diray walaalkooda Mohammed Shamim Ali oo 29 jir ah kana tirsan ururka Al Shabab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in aysan ogeyn cadadka lacagta ay direen, hase yeeshee wiilashan mataamanka ah ayaa qiray in lacagaha ay u direen Soomaaliya ay gaareyso £3,000, taasi oo ay kala direen August 2008 iyo bishi June ee sanadki hore.

Qaadiga maxkamada Mr Justice Fulford ayaa sheegay in maxkamada ay ka jawaabtaa qatarta danbigaasi kaasi oo uu ku sheegay arrimo la xiriira argagixiso.

Marki hore waxaa lagu soo eedeeyey labadani wiil danbi la xiriira in ay caawinayeen argagixiso iyo in ay heysteen dukumiintiyo oo ah adeegsiga falal la xiriira arrimahaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here