Mata: Manchester United waa ay awoodaa in ay gasho afarta ugu sareeysa

 

Mata oo yiri Man United waa ay ka qaybgali doontaa horiyaalka Yurub
Mata oo yiri Man United waa ay ka qaybgali doontaa horiyaalka Yurub

Juan Mata ayaa weli rajo ka qaba in kooxdiisa ay ku dhammeesto horiyaalka Premier League kaalinta afaraad, si sannadka dambe ay uga qaybgasho tartanka kubadda cagta ee Yurub Champions League.

Xidigga reer Spainayaa ku yimid Old Trafford adduun lacageed oo gaaraya £37.1million kaddib markii uu ka soo tagay kooxda ay sidda weyn ugu xifaal tamanaanl Premier ee Chelsea bishii January.

Cayaaryahanka ayaa durba la qabsaday kooxda, isagoona dhaliyay seddax gool afartii kulan ee ay u cayaartay Red Devils.

Kooxda uu macalinka u yahay David Moyes ayaa hadda 11 dhibcood waxa ay ka hooseesaa Liverpool, oo ku jirta kaalinta afaraad, taasoo iyana rabta in sannadka dambe iska soo xadiriso Champions League .

“Dhab ahaan waxaan aaminsanahay in aan cayaari doono Champions League,” ayuu u sheegay Canal Plus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here