Mas’uuliyiinta Shirkadda Qaran Swedan oo shir isugu yimid.

kulan oo ka dhacay xarunta shirkadda Qaran Express ee magaalada Stockholm, kana soo qeybgaleen mas’uuliyiinta iyo wakiilada shirkadda, ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo dar dar gelin lahaa adeegii qaran express ay u heysay macaamiisheeda, kadib markii heshiis wada shaqeyn ah la galeen shirkadda Kaah expres.

Guddoomiyaha shirkadda Qaran Swedan Maxamed Xuseen Tarabi ayaa sheegay in wakiilada shirkadda ay howshoodii sii wadayaan, wuxuuna ku booriyay iney adeegoodii sii laba jibaaraan.

Madaxa howlgalka Ibraahim Cumar ayaa isna sheegay sida lagama maarmaan ay u ytahay isku xernaanta wakiilada shirkadda iyo macaamiishooda, isagoo balan qaaday iney dar dar gelinayaan howlaha horyaala.

Madaxa suuq geynta Qaran Swedan Maxamed Ibraahim Saciid Keyte ayaa ka hadlay isna taariikhiyan qaabka xawaaladaha u shaqeeyaan xiligan iyo istaagga ku yimid shirkadda qaran Dubai oo qaabilsaneyd bixinta lacaga Soomaaliya.

Markii lagu dhawaaqay in ay joojisay howshii lacag dirista shirkadda Qaran waxaa soo if baxay heshiis cusub oo wada shaqeyn ah oo ay la galeen faraca Qaran ay ku laheyd Swedan shirkadda kale ee lagu magacaabo Kaah, taasoo dadka gaarsiineysa lacagaha Qaran macaamiishooda u dirayaan dalka iyo dibada.