Masuul katirsanaa wasaarada Maaliyadda oo la goostay lacag malaayiin Dollar ah

Dollar_12Khasnajigii Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu la baxsaday lacag malaayiin ah doolar ah.

Khasnajigan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Santooni ayaa xogta aan helnay ayaa sheegeysa in arrintiisu bilaabatay markii xilka laga qaaday, kadibna la sugayay inuu xilka wareejiyo.

Lacagta uu la baxsaday Khasnajigii Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inay gaareyso 2 Milyan oo Doolar, taasoo ahayd lacag uu muddo dheer hadba qaar ka qaatay Khasnada dowladda.

Waxaa mar qura la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay Khasnajiga oo markii dambe la xaqiiqsaday inuu goostay.

Xigasho: Goobjooge

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here