Mas’uul katirsan Wasaarada Caafimaad oo lagu dilay qaraxii Muqdisho

ocoffee4

Sida ay Warbaahinta Al Shabaab maanta duhurkii lagu daabacay waxa lagu sheegay qoraalkooda in qaraxii habeeno ka hor ka dhacay Maqaaxida Oromo Caffee Magaalada Muqdisho lagu dilay Sargaal katirsanaa Wasaarada Caafimaadka Soomaliya.

Al Shabaab ayaa waxay sheegeen in sargaalka ku dhintay qaraxaasi uu ahaa Isuduwihii wasaarada Caafimaadka uqaabilsanaa Gobolka G/gaduud kaaso lagu magacaabi jiray Dr.C/Risaaq Cabdullaahi Warsame.

Waxay Shabaab warbixintooda kusoo xigteen in geerida Dr.C/Risaaq Cabdullaahi Warsame uu xaqiijiyey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka G/gaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo).

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka Xukuumada oo kusaabsan warkaan ay shabaabku daabaceen ay ku sheegeen in qaraxii habeeno ka hor ka dhacay Maqaaxida Oromo Caffee dadkii ku dhintay uu ka mid ahaa Isuduwihii Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka G/gaduud  Dr.C/Risaaq Cabdullaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here