Mas’uul katirsan Somaliland oo Xabsiga loo Taxaabay

Ciidan katirsan Maamulka Somaliland ayaa Saaka Xabsiga utaxaabay Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland C/risaaq Siciid Ayaanle iyadoona arintaasi ay aad u cambaareeyeen xubnaha ku jira Golaha Wakiilada.

SICIID-AYAANLE

Khilaaf ayaa ka dhashay arinta kusaabsan Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Ciro taasi oo keentay in labo garab loo kala jabo,qaar taageersan Madaxweyne Siilaanyo iyo qaar la safan Gudoomiye Ciro.

Xariga C/risaaq Siciid Ayaanle ayaan la ogeyn ilaa hadda waxa keenay.

Siyaasiyiinta Soomaaliland ayaa durba cambaareeyey xariga loo geystay Mas’uulkaasi iyagoona ku baaqay in deg deg dib xoriyadiisa loo siiyo C/risaaq Siciid Ayaanle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here