Mas,uul ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Gaalkacyo gudoomiyihi xaafada Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

C/raxman Maxamed Cabdulle ayaa ka mid ahaa gudoomiyaasha xaafadaha ee ugu caansanaa Gaalkacyo, waxaa xalay fiidkii toogtay laba nin oo ku hubeysnaa bistoolado kuwaasi toogtay isaga oo kusii jeeda gurigiisa.

Ciidamada amaanka Puntland oo goobta soo gaaray ayaa ku guuldareystay in ay gacanta ku dhigana kooxihi ka danbeeyey falka weerarka ahaa ee lagu qaarijiyey Mr C/raxmaan.

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gaalkacyo, waxaana ka qeybgali doona aaskiisa madaxda gobolka iyo kuwa degmada.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan dilalka qorsheysan ee deegaanada Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.