Dad lagu laayay masjid ku yaalla Muuri

Masjid ku yaalla Muuri oo dad lagu laayay
Masjid ku yaalla Muuri oo dad lagu laayay

Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in shan qof oo rayid ah ay ku geeriyootay sadex kalena ay ku dhaawacmeen rasaas ay xalay rag hubeysan ku fureen masjid ku yaalla deegaanka Muuri ee gobolkaas.

Xildhibaan Saciid Maxmed Cali oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, ayaa warbaahinta u sheegay in ay ragga hubeysan weerareen masjidka oo ay dadkaas la dilay qur’aan ku akhrisanayeen.

Wuxuu sheegay in ilaa hadda aysan ogeyn sababta loo dilay dadkan shacabka ah.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa maanta loo soo qaaday magaalaada Muqdisho, iyagoo la dhigay isbitaalka Daaru Shifa halkaasoo loogu daweeynayo.

Lama oga sababta ka dambeysa in la laalyo dadkan shacabka ah, mana jirto cid ka hadashay toona.

1 COMMENT

  1. Ya ka masuul ah xasuuqan waxishnimada ah ee ka dhacay Sh. Hoose, ya ka danbeeyay, dani ya ka la haan karo. Ya waayo kuwa ku naaxo dhibka shacabka, foodada, nidaam la’aanta, sharci daro, cabsi joogta ah, xasuuqa dad MASJID ku dhax jiro, qabilka waaye kuwa imaanka ILAHEEY ka qaaday oo aminsan in eey argagixisnima ku bililaqeestan wax eesan la heen, eey ka mid yahiin guriyo, xaafado, magalooyin iyo gobolo : YA WAX KASTA NOQON KAROOO, MALIN WALIBA IS BADALA, YA KULA JIRO KAANA JIRO: YA WAAYO KUWA MAALINTI MADAXTOOYADA DHAX WAREEGA, HABEENKINA ALSHABAAB XAAFADAHA KULA SHIRA. YAWAAYE QABIILKA AAN WELI KA SABRIN IN EEY SI GUMEESTAN SHACABKA SH. HOOSE???????JAWAABTA WA WADA NAQAAN!!!!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here