Mashruucii dayactirka wadooyinka Muqdisho sidaan ayuu ahaa (Sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale ayaa maantay xariga ka jaray  waddo laami ah oo Maamulka Gobolka banaadir dib u dayactiray, taas oo isku xirta Dekadda weyne ee Muqdisho ilaa iyo isgoyska Ceel Gaabta.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo xubno kale ayaa kormeeray waddada dib u dayactirka lagu sameeyay, kuwaasi oo qiimeyn ku sameynayay sida waddada loo dhisay.

Balse waxaa la yaab leh in mashruucii dayactirka wadooyinka Muqdisho uu noqday oo kaliya mashruuc lacag lagu cuno, islamarkaasina lagu xalaaleeysto canshuurtii shacabka laga qaaday.

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kaliya wadada la dayactiray kusoo kordhiyay Laami la karkariyay iyo Jaay lagu shubay meelihii ay ka bur bursaneyd.

Waxaa hubanti ah in Jidkaan uusan sii jiri doonin Bilooyin yar xitaa oo uu bur buri doona marka roob yimaado.

Halkaan ka daawo Sawirada:

FB_IMG_1457777505267 FB_IMG_1457777514039 FB_IMG_1457777517409 FB_IMG_1457777520896 FB_IMG_1457777531787 FB_IMG_1457777551246 FB_IMG_1457777617058 FB_IMG_1457777619686

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here