Mashaariicdii uu Turkiga ka waday Muqdisho oo la hakiyay

Mashaariicdii dib u dhiska ahayd ee uu Turkiga ka waday magaalada Muqdisho, ayaa maalmahaan hakad la galiyay sababo amaan awgood.

C/kaafi Hilowle Cismaan, oo ah Xoghayaha maamulka Gobolka Banaadir haatana ku sugan dalka Switzerland, ayaa mar uu wareysi siinayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho, waxa uu sheegay in shaqaalaha Turkiga ee mashaariicda kala duwan ka waday magaalada Muqdisho ay hakad galiyeen hoowlahooda sababo amaan darted.

C/kaafi, aya sheegay in marka amaanka lasugo ay Turkigu dib u bilaabi doonaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen magaalada Muqdisho, waxaana uu sidoo kale sheegay in hadda kadib ay si adag u adkeyn doonaan amaanka shaqaalaha Turkiga.

“Muqdisho Tallaabo dhanka amaanka ahaa laga qaadaa markeey howlahaas dhamaadana dib ayay shaqaalaha Turkigu u bilaabi doonaan mashaariicdooda, waa walaalaheen noo soo gurmaday in wax la gaarsiiyo ayaan diideeynaa” ayuu yiri xoghayaha maamulka gobolka Banaadir.

Xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho:

C/kaafi Hilowle Cismaan, ayaa dhanka xirnaanshaha wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay ineeysan ahayn bandow, balse ay jiraan howlgalo ay Ciidanka doowlada ku sugayaan amaanka, marka ay xaqiijiyaana ay ugudbi doonaan meelaha kale ee ay Tuhumada kajiraan.

“Bandow ma ahan waxa meesha saaran, waa shaqo la’ogyahay oo cayiman, lagana qaadi doono waqtiga la dhamaystiro, kadibna waxaa loo gudbaa meelaha kale ee tuhunka kajiro” sidaa waxaa yiri C/kaafi oo ah xoghayaha maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here