Masaajid xalay lagu weeraray bambo gacmeed

Kooxo hubeysan ayaa xalay bambo ku weeraray masaajid ku yaala degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo ahaa kii ugu horeeyey oo lagu qaado masjid iyada oo ay dadku ku jireen salaada cishaha ayaa waxaa ka dhashay qasaaro u badnaa dhaawacyo soo gaaray ilaa iyo 12 ruux.

Sida uu xaqiijiyey Imaamka masjaaidka oo ku yaala xaafada Kaawa Godeey Sheekh Isaaq Ismaan bambka waxa lasoo tuuray iyadoo jameecada masaajidka ay ku jireen rukuucda labaad ee salaada Cishaha.

“Kooxahan waxay nasoo weerareen anaga oo u taagan salaada cishaha xalay, waxa uu masaajidka ku yaala xaafada Kaawa Godeey, dadka dhaawaca ah waa 12 waxaana u daran laba ruux oo mid ah uusan hadli karin,” ayuu yiri.

Ma jirto cid sheegatay qaraxi xalay lagu weeraray masaajidka, hase yeeshee waxaa walaac ka muujiyey dadka ku nool magaalada Muqdisho oo aad ula yaaban in la weeraro dad ku jiro salaad.

Soomaalida loogama baran in ay dilaan ama ay weeraraan dad u taagan salaad isla markaana hortaagan wajiga ALLE, waxaana tani ay muujineysa sida ay uga sii dareyso xaalada dagaalada ku saleysan dhinaca diinta ee ka jira dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.