Marxuum Shaati Gaduud oo maanta Salaada Janaasada Lagu dukaday Muqdisho Sawiro

Diyaarad sida meydka marxuum Xasan Maxamed Nuur “Shaati-gaduud” ayaa saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana halkaas ku sugayay masuuliyiin katirsan doowlada Soomaaliya, oo uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha Jamhhuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale ayaa Salaada Janaasada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula dukaday Alaha u naxariistee Meydka Marxuun Shaati guduud oo maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradah Muqdisho.

Tukashada Salaada Janaasada kadib ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u  tacsiyeeyay ehelada, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeedba,  isagoo dalbaday in la iska cafiyo loona duceeyo Marxuum Shaatiguduud

Salaada Janaasada kadib ayaa waxaa meydka loo qaaday magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaas oo lagu aasi doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here