Marwo Fowsiya oo dalka dib uga soo laabatay

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, oo ah wasiirada arimaha dibadda Soomaaliya ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay, kadib markii ay kasoo socdaalo kusoo martay dalal katirsan Caalamka, islamarkaasna ay kasoo qayb gashay shirikii golaha amaanka.

Marwo Foowsiyo, ayaa markii ay soo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Adde, waxa si weyn usoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Xukuumada.

Wasiirada, ayaa Saxaafada uga warbixisay waxyaabihii looga hadlay shirka golaha amaanka ee ay ka qaybgashay, Waxa ayna sheegtay in kulanka looga hadlay arimo badan oo quseeyo Soomaaliya sida in dib cunaqabateynta hubka laga qaado dalka, in la dhiso ciidamada badda si ay xeebaha dalkeena uga uga ilaaliyaan burcad badeeda iyo  beylahda, dhismaha ciidan milatari iyo in dib u eegis lagu sameeyo howlgalka milatari oo ay wadaan ciidamada midowga africa ee AMISOM.

Waxay sheegtay in shirka ay kasoo baxeen qodobo aad muhiim ugu ah Soomaaliya, sida in la qaado cuna qabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya, taasoo doowlada u ogolaan doonto ineey dib u dhis iyo qalabayn intaba ku samayso Ciidamada qaybahooda kala duwan si ay u hantaan amniga dalka, islamarkaasna ay ula wareegi lahaayeen kaalinta AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here